Maamulka Catalonia ee dalka Spain ayaa wajahaya xaalad hubaal la’aan ah ka dib markii ra’iisul wasaaraha dalka Spain Mariano Rajoy uu ku dhawaaqay qorshe uu doonayo in uu meesha kaga saaro dowlad goboleedka Catalonia, isla markaana kala diro barlamaanka maamulkaasi.

Aqalka sare ee dalka Spain ayaa lagu wadaa inay meel mariyaan tallaabooyinka uu damacsanyahay ra’iisul wasaaraha Spain maalinta jimcaha ah ee soo socota, waxaana jirta soo jeedin ah in la qabto doorasho cusub, balse wariyeyaasha ku sugan magaalada Barcelona ee caasimada gobolka Catalonia ayaa soo sheegayaa in waxa hadda laga dhur-sugayo ay tahay sida ay u hirgasho faragelinta xukuumadda Madrid.

Hogaamiyaha Catalonia ee dalka Spain Carles Puigdemont ayaa si qiiro kujirto u codsaday in xuquuqda reer Catalonia la difaaco, isagoo na tallaabooyinka ay qadeyso dowladda Spain ku sifeeyay mid inqilaab ah. Khudbad uu ka jeediyaya telefishanada dalkaasi ayaa Mr Carles waxaa kale oo uu sheegay in go’aanka mustaqbalka reer Catalonia ee ku saleysan nabadda iyo dimuqraadiyada uusan aheyn mid dambi ah.

Waxaana tallaabooyinka ra’iisul wasaaraha Spain, Mariano Rajoy uu barbardhigay kaligii taliyihii hore ee Spain Janaraal Francisco Franco, isagoo na wax laga xumaado ku tilmaamay in xoog lagu hor istaagayo rabitaanka shacabka Catalan, waxaana uu sheegay arrintaas aanan loo dulqaadan doonin.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay