Wararka ka laga helayo dalka Nigeria ayaa sheegaya in dad isku soo xidhay waxyaabaha qarxa ay ku dileen in ka badan tobannaan qof laba weerar oo kala duwan nawaaxiga magaalada Maiduguri.

Ma jirto Koox sheegatay in ay geysatay weerraradan, balse magaaladan Maiduguri waxaa si joogta ah u bartilmaameedsada kooxda Boko Xaraam oo kamid ah kooxaha mayalka adag ee ka dagaalama dalka Nigeria.

Masuul ka tirsan booliiska dalka Nigeria ayaa sheegay in weeraradu ay ka dhaceen xero ay ku jiraan dad ka soo cararay colaada ay waddo maleeshiyaadka kooxda Boko Xaraam. Ku dhawaad laba milyan oo qof ayaa ku barakacday collaada Boko Xaraam ee ka taagan magaalada Maiduguri.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.