Wararka naga soo gaadhaya magaalada Adama ee Gobolka Oromia ayaa sheegaya in booliiska magaaladu ay gacanta kudhigeen nin boorso kuwatay lacag aad ubadan oo kaash ah, ninkaas oo lasheegay in uu soo dhacay hantida dadwaynaha.

Sida ay booliiska magaalada Adame sheegeen ninkan oo udhashay qoomiyada Tigreega ayaa watay 115 kun oo Dooller oo cadaan ah waxaana sida ay booliisku sheegeen lacagtu ay ahayd mid lasoo dhacay oo laga soo saaray bangiga dowlada.

Booliiska ayaa intaas kudaray in ninkan uu kusii jeeday dhinaca gobolada woqooyi ee Soomaaliya, halkaas oo sida ay booliisku sheegeen uu doonayay in uu lacagta kaxawilo magaalada Wajaale oo dhacda xuduuda Ogadenia iyo Soomaaliya.

Saraakiisha qoomiyada Tigreega ayaa sanadihii ugu dambeeyay kuhowlanaa sidii ay hantida shacabka uboobi lahaayeen waxayna dibada wadanka udaabuleen malaayiin lacag ah oo iyadoo cadiin ah lagu shubay bangiyada dibada ama daaro ay kaga dhisteen wadamada dibada.

Guud ahaan shacabka kudhaqan wadanka gumaysiga Itoobiya ayaa kunool nolol aad uliidata waxayna dadku waayeen biyo, baad iyo dawo toona, halka saraakiisha TPLF na ay malaayiin lacag ah jeebabkooda kushubteen.

Dhinaca kale Kumanaan shacab ah ayaa macaluul udhimanaya waxaana xaalada uga siidaray abaaraha guud ahaan wadanka kuhabsaday iyadoo aysan jirin cid dadwaynaha tabaalaysan kacaawisay masiibada kuhabsatay.

Hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa deeqaha bixiya ayaa sheegay in wadanka Itoobiya uu kujiro xaalad adag oo abaaro, colaado iyo caafimaad xumo ah, waxayna hay’aduhu sheegeen in ay xukuumada xaalada uga siidarayso.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay