Wararka naga soo gaadhaya magaalada Addis Ababa ee xarunta Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya in ay magaalada soogaadhay safiirka dowlada Maraykanka ufadhiya Qaramada Midoobay Nikki Haley.

Sida xogta aan kuhelayno Safiirada Dowlada Maraykanka ufadhida Qaramada Midoobay ayaa kulan laqaadatay Raysal Wasaaraha magac uyaalka ah ee wadanka Itoobiya Hailemarim Desaleng waxayna safiiradu Hailemariam kuguubaabisay in uu wax kaqabto xaalada bini’aadam nimo ee wadanka kajirta.

Sidoo kale Nikki Haley ayaa Desaleng kacodsatay in in aqbalaan rabitaanka shacabka iyo waliba codsiga dhalinta ee ah in ay helaan xoriyatul qowl iyo waliba xuquuqdooda aas’aasiga ah.

Safiirka QM ee dowlada Maraykanka Nikki Haley ayaa soo hadal qaaday in ay jiraan kumanaan shacab ah oo lagu laayay wadanka Itoobiya iyagoo doonaya in ay muujiyaan dareenkooda waxayna safiiradu sheegtay in xukuumada looga baahan yahay cadaalad.

Safiirada ayaa sidoo kale sheegtay in dowlada Maraykanka iyo Caalamkuba ay kaxun yihiin dhibaatooyinka laxidhiidha xuquuqul insaanka ee kadhacaya wadanka Itoobiya, waxayna safiiradu sheegtay in lagaadhi doono xili la isla xisaabtamo.

Safiirada ayaa lagu wadaa in ay gaadho wadamada Koonfurta Sudan iyo Congo halkaas oo sida lasheegao ay lakulmi doonto madaxda wadamadaas oo iyagana ay kala hadli doonto arimaha xuquuqul insaanka iyo cadaalada.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay