Maxkamadda ugu sarreysa dalka Kenya ayaa lagu wadaa inay maanta go’aan ka gaadho in doorashada madaxtinnimada ee ku celiska ah ee la qorsheynayo khamiista dib loo dhigo iyo in kale. Maxkamadda ayaa ka jawaabeysa dalab deg deg ah oo shalay loo gudbiyay.

Hogaamiyaha mucaaradka Kenya Raila Odinga ayaa isaga baxay tartanka, isagoo dhaliilay qaabka uu guddigu u abbaaray qabanqaabada doorashada ku celiska ah. Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa ku adkeystay in doorashada ay qabsoonta Khamiista 26 ka October.

Odinga wuxuu rajeynayaa in maxkamadaha ay joojin doonaan doorashadan oo ay ku dhawaaqi doonaan in doorasho hor leh la qabto. Isbaheysigiisa NASA ayaa ku dhawaad maalin kasta dalka ka dhigayay muddaaharaad ay uga soo horjeedaan guddiga doorashada. Booliska ayaa lagu eedeeyay inay isticmaaleen xoog xad dhaaf ah. Tobanaan qof ayaa ilaa iyo hadda ku dhimatay muddaarahaadyadaasi.

Todobaadkii la soo dhaafay xubin sare oo ka tirsan guddiga doorashooyinka ayaa is casishay iyadoo sheegtay inaysan diyaar u ahayn waxay ugu yeedhay ‘qeyb ka noqoshada’ doorasho aan si hufan loo qaban doonin. Waxay u carartay New York iyadoo sheegtay inay u baqday nafsadeeda.

Maalin ka dib is casilaada Roselyn Akombe, ayaa gudoomiyaha guddiga doorashooyinka wuxuu qirtay inay adagtahay in doorasho ‘macquul ah’ la qabto.

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.