Koox ka tirsan Al-shabaab ayaa lagu waramayaa in ay weerar culus ku qaadeen saldhig ciidamada dowladda Soomaaliya ay ku lahaayeen degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in weerarkan markii hore uu ku bilaawday madaafiicda garabaha laga rido, waxaana labada dhinac markii dambe isu adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.

Dagaalkan ayaa socday muddo kooban, waxaana ciidamada dowladda ee la weeraray fariisinkooda la sheegay in ay iska caabiyeen waloow aan si rasmi ah loo shaacinin khasaaraha weerarkan ka dhashay.

Weerarkan ayaa imanaya xili ciidamada dowladda isku diyaarinayaan dagaal ka dhan ah Al-shabaab sida ay ku dhawaaqeen madaxda ugu sareysa dalka. Ma ahan markii u horeysay ee Al-Shabaab ay weerar ku soo qaadaan degmada Afgooye oo Muqdisho dhanka galbeed kaga beegan 30KM.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.