Wararka ka imaanaya deegaanka Lafoole ee duleedka Muqdisho ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan AMISOM ay dad rayid ah ku laayeen deegaankaas, kaddib markii qarax lala eegtay kolonyo ay la socdeen oo ku safrayay inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in Ciidamada markii qaraxa lala eegtay ay rasaas ku fureen xaafadaha, kaddibna ay ka degeen gaadiidkooda iygoo rasaas huwiyay dadkii wadada marayay.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamada ay si ula kac ah u toogteen dad rayid ah oo ku sugnaa deegaanka Lafoole, inta la ogyahay 16-qofood oo shicib ah ayaa ciidamada AMISOM ay toogteen mana ahan markii ugu horeesay oo shciib ay laayaan militry-ga AMISOM.

Xaalad kacsanaan ah ayaa ka jirta deegaanka Lafoole, iyadoo rasaas laga maqlayo xaafadaha oo ay gudaha u galeen Ciidamada AMISOM.

Waxaa istaagay isu socodkii gaadiidka ee wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye, waxaa la soo sheegayaa in Ciidamada AMISOM uu soo gaaray khasaare kala duwan.

La soco wixii warar ee ku soo kordha.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay