Wararka hadda naga soo gaadhaya magaalada Addis Ababa ayaa waxay sheegayaa in kolanyo ciidanka Woyaanaha oo ku soo wajahnaa magaalada Addiss Ababa dhexda loo galay,

Kacdoon wadayaasha Oromada ayaa inta u dhaxaysa Sinjaayo iyo Magaalada Addiss Ababa gawaadhigadan dhexda loo galay ayaa dab la qabad siiyay waxayna kacdoon wadayaasha oromada ka soo horjeedaan in wax isu socod ah ay sameeyaan xukuumada Woyaanaha ee gabalkeedu dhacayo.

Gawaadhidan la gubay ayaa waxay ahaayeen todobo gaadhi oo isugu jira kuwa xamuulka iyo kuwa kale waxaana dabka saaray kacdoon wadayaasha.

Kacdoon wadayaasha Oromada ayaa wacad ku maray inayna ogolaan doonin wax isu socod ah iyo inaan la dhex mari doonin dhulka Oromada oo dhan.

Wararkan iyo waxa kasoo kordha dib ayaan idinkala socod siin doonaa.

Amiin/ONA

 

 

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.