Iyadoo ay soobadanayaan saraakiisha iyo dadka magaca kudhex leh shacabka Itoobiya ee dhaleecaynaya xukunka kooxda TPLF iyo taliska wayaanaha ayaa hadana la arkayaa kooxda qowlaysatada ah oo kusii dhagan dhaqankii xumaa ee laga waaninayay.

Madaxwaynihii hore ee Gobolka Tigrey isla markaana ahaa shakhsi awood kudhex leh maamulka wayaanaha Gebru Asrat ayaa eedaymo kulul ujeediyay xisbi kusheega EPRDF iyo guud ahaan taliska wayaanaha, wuxuuna Gebru Asrat sheegay in wadanku uu ubaahan yahay in labadbaadiyo.

Gebru Asrat oo warfidiyeenka lahadlay ayaa sheegay in shacabka wadanka iyo ciidamaduba ay kala qaybsan yihiin taas oo soo dadajin karta burburka wadanka ay colaaduhu aafeeyeen ee Itoobiya.

Sidoo kale Gebru Asrat ayaa sheegay in kooxda wadanka hogaanka uhaysa ee EPRDF/TPLF ay mashquul kuyihiin sidii ay uboobi lahaayeen hantida shacabka waxaana la arkayaa ayuu yidhi saraakiisha oo dibada guryo kadhisanaysa.

Gebru Asrat madaxwaynihii hore ee Gobolka Tigrey ayaa sheegay in ay gabi ahaanba meesha kabaxday awoodii dowladii dhexe ee wayaanaha, wuxuuna carab baabay in ay Gobolada katiliyaan waxa uu ugu yeedhay hogaamiye kooxdeedyo.

Sidoo kale Gebru ayaa sheegay in musuq maasuqu uu wadanka kanoqday mid iska caadi ah wuxuuna sheegay in hantida dadwaynaha loo kala orotamo, isagoo tilmaamay in aan xaalada laxakamayn karin hada.

Gebru Asrat ayaa kubiiray xisbiga looyaqaano Arina Tigrey wuxuuna kal hore iskaga baxay xisbiga dad cunka noqday ee EPRDF/TPLF wuxuuna si cad usheegaa fikirkiisa.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay