Faahfaahin iyo sawiro dheeraad ah – Ururka Dhalinyarada OYSU iyo Jaaliyada Ogaadeeniya ee dalka Kenya ayaa maanta shir heer sare ah waxay ku muujiyeen dareenkooda ku wajahan Xasuuqa iyo gumaadka Ogaadeeniya ka socoda Shirka oo ka dhacay Hotelka ku yaala badhtaha Xaafada Soomaalidu dagantahay ee Islii ayey ka soo qayeb galeen boqolaal ka tirsan dhalinyarad Ogaadeeniya ka soo jeeda ee ku nool xaafadaasi Sidoo kalena Shirka Waxaa goob joog ka ahaa Duqa  magaalad Gaarisa Mudane  Ismaaciil Maxamed Garaad iyo dhalinyaro  kale oo ku welisay imaatinka shirka.

Hadaba Shirkan oo ahaa shir dareen murugo xanbaaranaa khudbado kala duwan ka soo jeediyey mas’uuliyiin badan waxaan oogu horeyn khudbadii furitaanka jeediyey Xoghayaha Ururka Oysu Mudane Xassan Macali Cara oo dhalinta u sheegay maanta ay ahmiyada gooni ah u leedahay dhalinta Ogaadeeniya wuxuuna Xassan Yidhi; “Waxaan maanta la Murugooneynaan Hooyooyinka reer Ogaadeeniya ee asaydu u saarantahay sidoo kalena waxaan ka murogooneynaan dhibaneyaasha kale ee ay kamid yihiin gabdheena ku waayey sharaftooda”wuxuu Xassan intaas raaciyey in bisha February ay tahay bishii ay dheceen dhacdooyina xasuuq kuwii oogu badanaa ayna ahmidyad gooni ah u leedahay shacabka Soomaalida Ogaadeeniya waan xusuusanahay Xasuuqii Wardheer,Qabridahare,Dhagaxbuur Jigjiga, Qabribayax, Godey iyo dhamaan magaalooyinka kale ee dhulkeena ka dhacay sidoo kalen waan xusuusanahay weeraradii dadkeena loo gaystay,  Mudane Xassan oo dhalinta Xusuusinayey aya yidhi ma aha wax cusub mana aha wax xili fog ah wax aan Xusayno aan fiirino xauuqii oogu danbeeyey 15 kii bihan oo maalmo kaliya ay ka oo wareegatay Magaalad Gunagado ayaa lagu laayey dad shacab aha oo gaadhay 19 qof.

Shirka oo sii socoday ayaa laga akhriyey qoraalo loogu talogalay munaasabada kuwaas oo dhamaantood ay ku xusnaayeen dhacadooyinka iyo xiliyada  ay kala dhaceen dadkii lagu laayey xasuuqayada Ogaadeeniya ka dhacay tirokoobkooda waxaan marar badan shirka hadhaynayey hooyin  iyo xusuus murugoleh maadaam dadka jooga intooda badan ay yihiin kuwo si qoto dheer oola socoda dhacdooyinkan iyo xiliyada ay dhaceen qaarkoodan ay ku jireen dad ehelkoda ahaa dadkaa la laayey.

Waxaa shirka hadal Kooban ka jeediyey Duqa Magaalada Gaarisa ee caasimada gobolka W/Bari Kenya Mudane Ismaaciil Maxamed Raage wuxuu dhalinta ku yidhi Ismaaciil “Ma aha in aad maanta ku tilmaantaan Maalin murugo waa maalin farxadeed sababtoo aha halgankii jwxo wuu socodaa wixii looga danlahaa xasuuq waxay ahayed in halgankiina la joogiyo mana istaagin halgankii” Wuxuuna ku guubaabiyey dhalinta Ogaadeeniya ee Kenya ku nool in ay ka faa’iidaystaan aqoonta oo ay waxbartaan si ay u anfacaan dalkoodii hooyo anaguna waan idin garabtaaganahay xili walba. Waxaa sidoo kale shirka ka hadalay dhalinyaro ka soo jeeda gobolka W/bari-Kenya oo dhamaantood sheegay in ay aad oogu faraxsanyihiin taageerasan yihiin garbana siinayaa dhalinta ogaadeeniya.

Dadweynihii shirka joogay ayaa aad oola dhacay heeso ay Kooxda Danab ee Xidigaha jwxo oogu talogaleen maalinta Xasuuqa Ogaadeeniya iyadoo ay goobta fadhiyeen Abwaano uu oogu horeeyo Abwaan Axmed Sh Cali Heelaale Heestan iyadoo dhalinta Kooxda Danab iyo Abwaanad shirka joogay ay soo bandhigeen Suugaan ay ku cabirayaan Xasuuqa shacabka Ogaadeeniya lagu hayo.

Gabogabadii shirka waxaa ka hadalay dhalinyaro Soomaaliyeed kuwaas oo kamid ahaa marti sharaftii shirka waxayna dhalinta Ogaadeeniya ooga mahadceliyeen sida wanaagsan ee soomaalinimadu ku jirto ee  ay ooga danqanayaa meel walba oo dadka soomaaliyeed ku dhibanyihiin waxayn qaarkood sheegeen in dareenkood ay aad u soo jiidatay markii uu Abwaan heelaal sheegay in uu isku si jidhkiisu oogu danqado maatida muqdisho lagu laayo iyo kuwa Ogaadeeniya.

 

 

 

 

ONA/Nairobi 

 

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay