Wararka naga soo gaadhaya magaaladA Addis Ababa ee xarunta wadanka Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya in ay soo shaac baxday awood yaraanta Raysal wasaaraha magac uyaalka ah ee Gumaysiga Itoobiya Hailemariam Desaleng.

Sida aan xogta kuhelayno Hailemariam Desaleng ayaa siyaasiyiinta iyo hay’adaha xukuumada wayaanaha usheegay in aysan jirin cid isaga ka amarqaadata iyo cid uu hogaamiyo toona, wuxuuna Desaleng kucalaacalay in uu wadanku u afduuban yahay saraakiil yar yar ah.

Ilo wareedyo ka agdhaw RW Desaleng ayaa sheegay in hay’adaha kala duwan ee wayaanaha aysan ka amarqaadanin raysal wasaaraha iyagoo si cad udiida markuu shir isugu yeedho.

Sidoo kale Desaleng ayaa sheegay in loosoo diro saraakiil yar yar oo sharciga aan aqoonin xiliyada uu codsado in ay madaxda wadanku shir isugu yimaadaan, waana sababta ka cabaadisay Hailemariam Desaleng.

Dhinaca kale Hailemariam Desaleng ayaa maanta oo Khamiis ah hor tagaya baarlamaan kusheegaya wayaanaha, isagoo warbixin kasiin doona xaalada cakiran ee wadanku uu marayo iyo talooyinka uu isagu hayo intaba.

Sidoo kale baarlamaan kusheega wayaanaha ayaa lagu wadaa in ay doortaan Afhayeenkii badali lahaa ninkii iscasilay ee Abudula kaas oo laguwado in maanta laga aqbalo waraaqdiisii iscasilaada isla markaana qof kale lagu badalo.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay