Hoggaamiyaha Isbaheysiga mucaaradka Kenya ee NASA Raila Odinga ayaa u sheegay taageerayaashiisa mar uu kula hadlayay Uhuru Park in ay guryahooda ku ekaadaan oo aysan u soo bixin doorashada ku celiska ah ee lagu wado inay dalkaasi ka dhacdo maanta oo khamiis ah.

Waxa uu sheegay in Isbaheysigiisa NASA uu isu beddelayo “Dhaqdhaqaaq wax iska caabin ah” taas oo lagaga soo horjeedo wax isdaba marinta iyo musuqa lagu hayo doorashada dalka ee ku celiska ah.

Mr. Odinga oo taageeayaashiisa la hadlay ayaa dhinaca kale ku booriyay inaysan gacan ka hadal ku sameynin sida uu sheegay walaalahooda kale ee reer Kenya oo ay indhaha u furaan cadaalad darro ay dhamaan wada tabanayaan.

Warkan iyo wixii kasoo kordha waxaad kala socon doontaan haduu ilaahay yiraahdo ONA.

 

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.