Waxaa kulankoodii caadiga ahaa isugu yimaaday jaaliyada Ogaadenya ee Fraca Iftin ee East London JOKA ee magaalada East London waxaana kasoo qayb galay xubnaha Jaaliyada Ogaadeniya ee faracaasi Iftin.

Shirka ayaa waxaa lagu furay sidii caadada inoo ahayd wacdi diini ah iyo aayado quraanka kariimka ah oo uu inoosoo jeediyay Sheekh Cabdiraxmaan , waxaana intaas kadib shirka furay gudoomiyaha Jaaliyada Ogaadeniya  ee faraca  Iftin faraca oo ka jeediyay qudbad muhiim u ahayd bulshada oo uu si fiican ugu nuux nuux saday marxalada siyaasiga ah ee geeska afrika marxalada halganka Ogadeniya uu maraayo.

Shirka ayaa sidoo kale waxaa ka hadlay gudiga faraca oo warbixin dheer oo dhinacyo badan taabanaya ka soo jeediyay.

Shirka ayaa sidoo kale waxaa looga hadlay xaalada kala guurka ah ee gumaysiga Itoobiya iyo in shacabka Ogaadeniya ay u diyaar garoobaan inay gacmaha is qabsadaan ayna sii laban laabaan dagaalka gumaysiga Lagula jiro.

Shirkan ayaa su’aalo ku saabsan qadiyada Ogaadeniya & marxalada u gumaysigu marayo la iska waydiiyay.

Shirka ayaa wuxuu kusoo dhamaaday si guul ah waxaana lagu balamay in lasii laban laabo halganka iyo dagaalka lagula jiro gumaysiga Itoobiya loona diyaay garoobo sidii xoryiada Ogaadeniya loo hanan lahaa islamarkaana midnimada la adkeeyo.

ONA/East London S.A.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.