Wararka naga soo gaadhaya magaalada Ambo ee Gobolka Oromia ayaa sheegaya in xaalada magaaladu marayso meel xaasaasi ah kadib markii shacab cadhaysan ay isku heedaameen dhamaan xarumihii xukuumada wayaanaha ee magaalada Ambo halkaas oo qaybo kamid ah ay qabsadeen.

Sida xogta aan kuhelayno waxaa shalay ilaa xalay fooda is daray kumanaan kacdoon wadayaasha qoomiyada Oromada ah iyo ciidamada gumaysiga Itoobiya ee magaalada Ambo kusugan waxaana aad looga dayrinayaa xaalada amaan ee magaalada Ambo iyo deegaanada kuxeeran.

Ururka dhalinyarada Oromada ee magacooda loosoo gaabiyo Qeeroo ayaa kudhawaaqay kacdoono waawayn oo sida ay sheegeen lagu xoraynayo dhulka Oromia gaar ahaan magaalada Ambo iyo waliba deegaanada ku hareeraysan.

Kumanaan shacab ah oo kajawaabaya codsigii ururka Qeeroo ayaa isugu soobaxay wadooyinka magaalada Ambo, waxaana fooda isdaray kacdoon wadayaashii iyo waliba ciidamada gumaysiga oo kuhubaysan hubka noocyadiisa kala duwan.

Dhinaca kale kacdoon wadayaasha ayaa weerar kuqaaday Tuulado aan kafogayn magaalada Ambo halkaas oo ay kusugnaayeen baabuur aad ubadan oo sonkor lagu waday oo kusii jeeday magaalada Addis Ababa, baabuurta oo ay wateen ganacsato qoomiyada Tigree udhashay ayaa ayay shacabku bilaabeen in ay baabuurta gubaan iyagoo diidan ganacsatada Tigreega ah.

Ciidanka Agaziga looyaqaano ee wayaanaha ayaa difaac adag ugalay shacabkii kacdoon wadayaasha ahaa waxayna dileen 8 qof oo shacab halka ciidanka wayaanahana laga dilay 2 askari, dhaawaca labada dhinac ayaa lasheegayaa in uu kor udhaafay 20 qof.

Magaalada Ambo ayaa ah magaaladii ay labo sano kahor kabilowdeen kacdoonadu waxaana magaalada Ambo loogu yeedhaa hooyadii kacdoonada Gobolka Oromia iyo guud ahaan wadanka.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay