Qoraal ay soo saareen danjirayaasha reer galbeedka ah ee fadhigoodu yahay magaalada Nairobi ayey ku sheegeen inay si murugo leh isha ugu hayaan arrimaha doorashada ee ka socda Kenya.

Waxay sheegeen inay ka xun yihiin wax ay ugu yeedheen “faragelinta sii socota ee labada dhinac ay ku wiiqayaan hawlaha madaxa banaan ee guddiga doorashada, garsoorka iyo hay’adaha kale ee lagama maarmaanka u ah”.

Waxay hadalkooda ku cambaareeyeen weerar la sheegay in lagu qaaday qof ilaalo u ahaa ku xigeenka guddoomiyaha maxkamadda sare. Waxay sheegeen inaysan jeclaysan in fadhigii maxkamadda sare ee shalay uu qabsoomi waayo, inkastoo ay jeclaayeen in kiiska doorashada go’aan laga gaadho inta aan lagu celinin.

Dadka waddanka Kenya ayey ugu baaqeen inay muujiyaan deganaan oo ay ku dhaqmaan mabaadii’da dastuurka. “Kenya waxay khatar ugu jirtaa inay lumiso wixi ay hanatay tan iyo 2008, ilaa iyo ay dadku isu yimaadaan wakhtigan xasaasiga ah mooyee, si ay u dhawraan dimoqaraadiyadooda iyo aasaaska xorriyaadkooda” ayey yiraahdeen.

Qoraalka waxaa wadajir u soo saaray madaxda ergooyinka diplomaasiyadeed ee Nairobi u fadhiya Maraykanka, Midowga Yurub, Finland, Norway, Netherlands, Denmark, Faransiiska, Australia, UK, Switzerland, Sweden, Germany, Canada, Talyaaniga iyo Beljam.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.