Wararka naga soo gaadhaya wadanka Ogadenia ayaa sheegaya tacadiyo kala duwan oo loogaystay shacabka Soomaalida Ogadenia, tacadiyadan oo isugu jira xidhay, jidh dil iyo dhac ayaa udhacay sidan.

20/10/17 Dagmada Garbo ee Gobolka Nogob waxay ciidanka wayaanuhu ku xidh xidheen dadka kala ah
1 cabdi nuur wali
2 tiriig shaafi
3 asli maxamuud.

20/10/17 Horashagax oo Dagmada Garbo katirsan waxay ciidanka gumaysigu ku xidh xidheen
1 saynaba xaaji
2 xaliimo sheekh maxamuud.

21/10/17 Dagmada Awaare ee Gobolka Jarar waxay ciidanka wayaanuhu ku xidh xidheen 75 oday oo shacab ah waxaana odayaashu diideen lacag gibir ah oo lagu amray.

Isla taariikhdaas tuulada Bukudhaba ee Gobolka Jarar waxaa lagu xidh xidhay in kabadan 60 oday oo gaashaanka kudhuftay in bixiyaan gibir.

Sidoo kale ciidanka wayaanaha ayaa isla taariikhdaas Dagmada Garbo ku xidh xidhay kudhawaad 100 oday oo shacab ah kuwaas oo diiday bixinta lacag baad ah oo dadka shacabka ah lagu soo rogay.

23/10/17 Qabridahare waxaa laga qaaday 3 baabuur oo dhalin yaro ah kuwaas oo si qasab ah lagu ciidamayn rabo, waxaana xabsiga ladhigay qaar kamid ah dhalintaas oo diiday ciidanka xooga ah.

23/10/17 Dagmooyinka Goday iyo Iimaybari ee Gobolka Shabeelle waxaa laga raafay dhalin yaro aad ubadan oo lagu qaaday 3 gaadhi oo waawayn.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay