Xisbiga Radical Party oo kamid ah asxaabta ugu waawayn wadanka Talyaniga ayaa qaban doona shir balaadhan oo lagaga hadlay sharciga iyo arimaha xuquuqul insaanka kaas oo Maanta Ka Furmay Magaalada Rome. ee caasimada wadanka Talyaniga.

Shirkan  ayaa bilaabmay maanta oo ay taarikhdu tahay  27/10/17 ayaa socon doona mudo sadex bari ah waxaana shirkan lagu casuumo wufuud aad ubadan oo kakala socota dowlado iyo hay’ado caalami ah kuwaas oo meelo kala duwan ka imaan doona.

Ergada shirwaynaha lagu casuumay waxaa kamid ah Madaxwayne  kuxigeenka ururka UNPO Mudane Cabdiraxmaan Sh Mahdi (Maaday).

Mudane Maaday ayaa shirka kajeedin doona khudbad uu kuqaadaa dhigi doono arimaha xuquuqul insaanka ee Itoobiya iyo xadgudub yada lagu hayo shacabka Soomaalida Ogadenia iyo waliba shucuubta kala duwan ee Itoobiya.

Sidoo kale mudane Cabdiraxmaan Sh Mahdi ayaa kahadli doona arimaha xuquuqul insaanka ee kajira wadamada aan dowladaha lahayn, isagoo xusi doona dhacdooyinkii udambeeyay ee kadhacay Ogadenia iyo waliba wadamada aan dowladaha lahayn ee kumidaysan ururka UNPO.

Mudane Maaday ayaa kahadli doona dhinaca saboolka iyo gaajada iyo sababaha keena isagoo qeexid kusamayn doona arimaha keena saboolka oo uu kamid yahay dowlad xumida iyo maamulada oo xoog wax kumuquuniya.

Dadwaynaha ku xidhan boga ONA waxaan ogaysiinaynaa in ay shirwaynahan toos udaawan doonaan halka dadka kasoo qayb gali karana ay imaan doonaan madasha uu kulanku kasocdo.

http://www.radicalparty.org/en/content/convention-nonviolent-radical-party-transnational-transparty-27th-29th-october-2017

ONA.

 

 

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay