Dowladda Burundi ayaa lagu wadaa inay isaga baxdo xubinnimada Maxkamada caalamiga dambiyada dagaalka ee ICC-da.  27-kii Oktoobar  2016-kii ayay ahayd markii Burundi ay warqad u qortay xoghayihii hore ee Qaramada Midoobay Ban Ki-Moon, taasi oo ku aaddanayd iney gebi ahaanba isaga baxayaan Maxkamadda Sanad ka dib.

Waxaa sidoo kale xilligaasi warqado ay ku saluugayaan ICC-da u diray Qaramada Midoobay wadamada Gambiya iyo Koonfur Afrika, halka Kenya iyo Ugandhana ay ku gooddiyeen inay qaadayaan talaabadaasi mid la mid ah.

Qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha Waddama Qaaradda Afrika ayaa Maxkamadda dembiyada dagaalka ee Hague ku eedeeyay iney ugaadhsato oo qudha madaxda Afrika taasina aan loo dulqaadan karin.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.