War hor dhac ah oo naga soo gaadhaya xuduuda Gobolada Canfarta iyo Tigrey ayaa sheegaya dagaal xoogan oo dhex maray shacabka Canfarta iyo ciidanka Agaziga looyaqaano ee unasab sheegta qoomiyada Tigreega.

Sida xogta aan kuhelayno ciidamada uu wayaanuhu carbiyay ee Agaziga looyaqaano ayaa weerar kuqaaday dad shacab ah oo kusugan magaalada Abala ee Gobolka Canfarta halkaas oo sida lasheegayo ay kulaayeen dad badan oo shacab ah.

Warka ayaa intaas kudaraya in dagaal mudo socday ay ciidanka Agazigu kudileen 17 qof oo 3 kamid ah ay ciyaal yihiin kuwaas oo dhamaan tood udhashay qoomiyada Canfarta, sidoo kale dadka shacabka ah ee Canfarta ayaa ciidanka cadawga kadilay tiro aan lacayimin.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii qoomiyada daandaasiga kucaan baxday ee Tigreegu ay qabsadeen dhulka cusbada laga qodo ee magaalada Abala, halkaas oo sida lasheegay ay kabiyo diideen dadka deegaanku.

Shirkad laga leeyahay Gobolka Tigrey ayaa lasheegayaa in ay kuhabsatay dhulka Cusbada laga qodo ee magaalada Abala halkaas oo dadka deegaanku ay shirkadii ku burburiyeen dhamaan agabkii ay wax kuqodaysay.

Hase yeeshee ciidanka gaarka ah ee qoomiyada Tigreega caawiya ee Agaziga ayaa si muuqata dagaalka usoo galay halkaas oo ay kuxasuuqeen dad badan oo shacab ah iyagoo burburiyay hanti ay shacabka Canfartu lahaayeen.

Ma aha markii ugu horaysay ee dagaalo ay deegaankaas kadhaceen waxaana bilo kahor isla goobtaas cusbada laga qodo kadhacay dagaal khasaare badan gaystay, sidoo kale waxaa guud ahaan deegaanadaas laga dareemayaa saansaanta colaadeed ee dagaaladii shalay ay keeneen.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay