Kooxo hubeysan ayaa weerar ismiidaamin ah ku qaaday hotel Naasa-hablood oo ku yaalla degmada Xamarweyne, gelinkii dambe ee shalay. Warar soo baxaya ayaa sheegay in rag hubeysan ay gudaha u galeen xarrunta hotelka, ka dib weerarka ismiidaaminta.

Ugu yaraan 10 ruux ayay warar horu dhaca ah ay sheegayaan inay ku dhinteen weerarkaasi, iyo qarax kale oo ka dhacay meel u dhow xarruntii hore ee baarlamaanka Soomaaliya.

Dadka dhintay waxa ku jira Col. Maxamed Yuusuf Nuur (Fanax) oo ahaa taliyihii ciidamada booliska degmada Dayniile iyo Cabdinasir Gaarane, oo ka mid ahaa xildhibaannadii hore ee baarlamaanka. Kooxda al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkaasi.

Wixii faah faahin ah ee kusaabsan qaraxyadii shalay Muqdisho ka dhacay waxaad ka heli doontaan wararkaanaga dambe haduu ilaahay yiraahdo ee ha moogaanina ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay