Wararka naga soo gaadhaya Gobolka Binshangul ee wadanka Itoobiya ayaa sheegaya xiisad colaadeed oo saamaysay guud ahaan Gobolka, taas oo galaafatay nolosha dad badan oo shacab ah.

Sida xogta aan kuhelayno shacabka ree Binshangul ayaa bilaabay ugaadhsi ay kuhayaan dadka shacabka ah ee udhashay qoomiyada Axmaarada kuwaas oo sida lasheegayo sanado aad ubadan kudhaqnaa deegaanka Binshangul.

Warka ayaa intaas kudaraya in ay xiisada kudhinteen dad farabadan oo labada dhinac ah waxaana lasoo tabinayaa in shacabka qoomiyada Axmaarada oo deegaanka marti ku ah aad loogu xoog sheegtay.

Dagaaladan udhaxeeya qoomiyadaha Axmaarada iyo Binshangul ayaa lasheegayaa in ay dabada kariixayaan saraakiil sarsare oo udhashay qoomiyada Tigreega, kuwaas oo kamushtara dhiiga shacabka.

Qoomiyada Tigreega ayaa mashquul ku ah hurinta dagaalada shucuubta kaladuwan ee wadanka dagan waxayna qoomiyadu raadinaysaa sidii ay fursad ugu heli lahayd haysashada xukunka ay xaaraanta kuhaysteen mudada dheer.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay