Wararka naga soo gaadhaya Gobolka Oromia ee gacanta gumaysiga kujira ayaa sheegaya kacdoonadii abid ugu badnaa oo mudo labo todobaad ah si xidhiidh ah uga socda guud ahaan Gobolka ay qulqulatooyinku kajiraan ee Oromia.

Sida xogta aan kuhelayno kacdoonada xidhiidhka ah ee Gobolka kabilowday ayaa sababay in ay gabi ahaanba istaagaan isusocodkii dadwaynaha, waxaana la arkayaa xafiisyada xukuumada wayaanaha oo qufulo lasaaray.

Wariye madax banaan oo kusugan Gobolka Oromia ayaa sheegaya in ay ciidanka wayaanuhu toogasho kudileen in kabadan 30 qof oo shacabka kacdoon wadayaasha ah tiro kale oo aan lacayimina ladhaawacay.

Wariyaha ayaa sheegaya in uu indhihiisa ku arkayay ciidamada gaarka ah ee looyaqaano Agaziga kuwaas oo si toos ah utooganayay dadka shacabka ah ee kacdoon wadayaasha ah, ciidanka Agaziga ayaa ah kuwo u adeega danaha qoomiyada ay kasoo jeedaan ee Tigreega.

Dhinaca kale xog ah heshay Wakaalada Wararka Ogadenia ONA ayaa muujinaysa in taliska wayaanuhu uu wado qorshe uu dhamaan xabsiyada wadanka kacanta ugu galinayo ciidamo kasoo jeeda qoomiyada Tigreega iyo kuwa bahwadaagta la ah.

Xogta ayaa tilmaamaysa in guud ahaan xabsiyada wadanka laa badalay ciidamadii xabsiyada ee udhashay qoomiyadaha Axmaarada iyo Oromada, kuwaas oo ah labada qoomiyadood ee ugu tirada badan guud ahaan wadanka.

Dadka siyaasada wadanka Itoobiya falanqeeya ayaa sheegaya in taliska wayaanuhu uu kudhaqaaqay talaabadii abid ugu xumayd taas oo ah in ay ciidamada kasaarayaan xubnaha udhashay qoomiyadaha aqlabiyada leh ee Axmaarada iyo Oromada.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay