Wararka naga soo gaadhaya magaalada Herar ee dhulka Herarida ayaa sheegaya in xukuumada wayaanuhu ay Gobolka kusoo rogtay xukun dag dag ah oo lamid ah kii guud ahaan wadanka saaraa bilo kahor.

Sida xogta aan kuhelayno taliska wayaanaha ayaa guud ahaan talada Gobolka gacanta ugaliyay nin korneyl ah oo u dhashay qoomiyada Tigreega, kaas oo sida lasheegayo noqday qofka kaliya ee talada Gobolka gacanta kuhaya.

Talaabadan oo shacabka Herarida dhagkafaar kunoqotay ayaa timid kadib markii taliska wayaanuhu uu isku diray qoomiyadaha Herarida iyo Oromada si uu ula wareego maalkooda iyo dalkoodaba.

Dagaalo gacan kahadal ah oo qoomiyadaha Herarida iyo Oromada dhex maray kadib taliska wayaanaha ayaa qaatay talaabo aan sharciga wadanka udagan waafaqsanayn oo uu kula wareegay maamulkii deegaanka.

Dadka ka agdhaw taliska wayaanaha ayaa sheegaya in uu qorshan Kilalka Herarida lagula wareegay yahay mid laqaatay oo lagula wareegi doono inta badan Kilalada wadanku uu uqaybsan yahay.

Arintan ayaa imanaysa xili uu guud ahaan wadanku kujiro xaalad daganaansho la’aan taas oo kooxda TPLF kuriday khalkhal dhinaca siyaasada ah, waxayna kooxdu hada bilowday in ay takoorto dhamaan siyaasiyiinta kasoo jeeda qoomiyadaha kacdoonada wada.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay