Madaxwaynaha dalka Masar Cabdulfatax Al-Siisii aya badalay abaan-duulihii militariga dalkaasi todobaad ka dib markii askar ka tirsan ciidamada ammaanka lagu dilay Koonfurta magaalada Qaahira.

Wareegto madaxwayne oo la soo saaray ayaa waxa lagu dhawaaqay in Janaraal Maxamed Farid Hegazy uu noqonayo madaxa cusub ee ciidamada qalabka side ee dalkaasi.

Dhanka kale wasiirka arrimaha gudaha ayaa xilka ka qaaday afar ka mid ah saraakiisha sarsare. Tillaabooyiinkan ayaa ku soo beegmaya ka dib weerarkii todobaadkii aanu soo dhaafnay ka dhacay dalkaasi, kaasi oo lagu qaaday ciidamada ammaanka. Weerarkaasi ayaa waxa ku dhintay askar kor u dhaafaysa 10 askari.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.