Wararka naga soo gaadhaya gobolka Oromiya magaalada Naqamte ayaa waxay sheegayaan in ciidanka woyaanaha ay bam gacmeed ku tuureen gaadhi bajaaj ah oo ay saaraayeen dad shacab ah kaasoo ay wax yeelo dhimasho iyo dhaawac ah kasoo gaadhay dadkii shacabka ahaa ciidanka woyaanaha ayaa waxay ayaa fashil kusoo dhamaanaya talaabo walba oo ay qaadaan dhacdadan ayaa waxay rabeen kooxda woyaanuhu inay dad shacab ah ku xidh xidhaan qaar kala ku laayaan.

Maahan markii koobaad ee ciidanka woyaanaha ay talabo noocan oo kale ah qaadaan waxay horay u qarxiyeen masaajidkan wayn ee Anwar ee ku yaala magaalada Adiss Ababa ayadoo u jeedooyin gaar ah ka lahayd iyo dhiiga shacabka ku xalaalay sato sidoo kale waxay horay uga dhacday magaalada Jimma.

Dhacdadan ayaa waxaa lagu beegsaday dad shacab ah oo qoomiyad ahaa kasoo jeeda qoomiyada Tigrayga ayagoo xukuumada Woyaanuhu uga danleh inay ku abuurto sifo ay ku xalaalaysato dhiiga shacabka sidoo kale ku xidh xidho dad badan oo aan waxba galab san.

Wararkan iyo waxa kasoo kordha dib ayaan idin kala socod siin doonaa.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay