Wararka naga soo gaadhaya magaalada Bahardar ee xarunta Gobolka Axmaarada ayaa sheegaya in uu magaalada kabilowday olole cusub oo ay wadaan dhalin yarada udhalatay Gobolka ay kacdoonadu kasocdaan ee Axmaarada.

Sida xogta aan kuhelayno dhalinta Gobolka Axmaarada ayaa soosaartay waraaq ay dhamaan dhalinyarada lagumaysto kaga codsanayaan in loomidoobo sidii karkaarka loowaydaarin lahaa xukunka madhalayska ah ee kooxda TPLF ay sida xaaraanta ah kuhaysato.

Dhalin yarada kudhaqan magaalada Bahardar ayaa baaqooda kubaahiyay baraha bulshada iyagoo dhamaan dhalinta lagumaysto ugu baaqay in ay u istaagaan xornimo gaadhsiinta qoomiyadooda iyo ladagaalanka kooxda qowlaysatada ah ee TPLF.

Waraaqda kasoo baxday dhalinta Gobolka Axmaarada ayaa lagu sheegay in ay dhalinyaradu wadaan qorshe lagu midaynayo kacdoonada iyo talooyinka saliimka ah, si loo helo awood suurta galin doonta dhicitaanka taliska wayaanaha.

Qaar kamid ah aqoonyahanka kudhaqan wadanka Itoobiya ayaa kudoodaya in hadii garab lasiin lahaa shacabka Soomaalida Ogadenia markii kaligood lagumaadayay uu gumaysigu mar hore wiiqmi lahaa, waxayna aqoonyahanku kudoodayaan in hadii kolba qoomiyad loodaayo aan guul dag dag ah laheli karin.

Xukuumada gumaysiga Itoobiya ayaa wajahaysa khal khal siyaasadeed iyo kacdoono maalinba maalinta kadambaysa kasii daraya waxayna saadaashu umuuqataa in xukunkii guracnaa ee wayaanuhu uu noqday golay lagu kala baxay.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay