War saxaafadeed ay soo saareen qaar kamid ah xisbi kusheegyada wadanka Gumaysiga Itoobiya ayaa lagu sheegay in ay dhamaan qoomiyadaha la gumaysto ugu baaqayaan isusoo bax wayn oo kadhici doona magaalada Addis Ababa iyo guud ahaan wadanka.

Sida bayaanka kucad xisbiyada Samayawi Party iyo Andnet ayaa isugu yimid kulan balaadhan oo lagu qabatay magaalada Addis Ababa waxayna xisbi kusheegyadu kawada hadleen marxalada qalafsan ee wadanku uu marayo iyo sidii looga bixi lahaa.

Xisbiyada ayaa gabagabadii kulanka soo saaray bayaan ay dhamaan dulmanayaasha wadanka kaga codsanayaan in ay isugu yimaadaan dibad bax aad uwayn oo lagu diidan yahay xukunka kali taliska ah ee wayaanaha iyo cadaalad darada gaamurtay ee guud ahaan wadanka kajirta.

Xisbi kusheegyadan oo aan wax awood iyo sumcad ah toona kulahayn wadanka ayaa horaan loogu diiday dibad baxyo ay doonayeen in ay qabsadaan kuwaas oo is hortaag lagu sameeyay, manacada sida ay uqabsan karaan kulankan ay kubaaqeen.

Dhinaca kale afhayeen u hadlay xisbiyada kulmay ayaa sheegay in aysan wax ogolaansho ah waydiisan doonin kooxda TPLF, wuxuuna afhayeenku sheegay in ay sharciga gacantooda kuqaadan doonaan sida ay kooxda TPLF ba gacanteeda ugu qaadatay.

Dadka darsa arimaha amniga ayaa sheegay in kacdoonada Gobolada kajira oo kale haday magaalada Addis Ababa kabilowdaan uu gabi ahaanba wadanku kala dhaqaaqi doono, waxayna khuburadu sheegayaa in meesha kaliya ee wadanku uu iska haysto ay tahay magaalada madaxda oo iyada lafteedu aan daganayn.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay