Ciidamada ilaalada xuduudaha wadanka Ramania ayaa badbaadiyay in ka badan 71 qof oo dhalasho ahaan ka kala oo jeeda wadamada Suudaan, Suuriya iyo Somalia, waxaana dadka la soo badbaadiyay ku jiray 20 caruur iyo 22 dumar ah, sida ay qortay wakaaladda wararka ee Romania ee agerpres

Wakaalada oo soo xiganaysay General ka tirsan ciidamada Ilaalada xuduudaha midowga yurub iyo dalka Romania waxay ay sheegtay in 28 kii bishan October ay ciidamada oo howlgal ku jira ay arkeen dooni yar oo la ciir-ciiraysa dad farabadan bada Aegean Sea, kadibna ay u gurmadeen.

Wakaaladu waxay intaas ku dartay in tahriibayaasha la badbaadiyay, la siiyay cuno iyo biyo ka dibna lagu wareejiyay dowladda Giriiga si loo hubiyo, adeeg caafimaad loo siiyo iyo sidoo kale loo sameeyo diiwaangalin iyo baaritaano dheeraad ah

Ilaa bilowgii sanadkan, ciidamada Ramania oo kaashanaya kuwa wadanka Giriiga waxay badbaadiyeen in ka badan 1300 qof oo saarnaa doonyo yar yar ah oo doonayay inay gaaraan qaaradda Yurub, gaar ahaan wadanka giriiga.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.