Wararka naga soo gaadhaya magaalada Addis Ababa ee xarunta gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya in guul-daro kudhamaaday shir qarsoodi ah oo ururka EPRDF uga socday magaalada..

Kulankan oo mudo labo bari ah socday ayaa sida lasheegayo kudhamaaday is afgaran waa iyo is eedayn waxaana lasheegayaa in xarumaha wayaanaha laga dareemayo khilaafka siixoogaystay ee kooxda.

Sida xogta aan kuhelayno urur kusheega EPRDF ayaa labo uqaybsamay kadib markii lakeenay qodob culus oo ahaa sidii wax looga qaban lahaa kacdoonada siixoogaysanaya ee wadanka kasocda iyo kalsooni la’aanta ay shaqaalaha dowladu kaqabaan taliska wayaanaha.

Garab kamid ah garabyada ay kooxdu ukala jabtay ayaa soojeediyay in dadka awood lagu maquuniyo isla markaana gacan bir ah lagu qabto si loogaadho yoolka lahigsanayo, wuxuuna garabkaasu kudoodayaa in shacabku uusan xormaynaynin indho run ah in uu arko mooyeen.

Garabka kale ee kooxda ayaa soojeediyay in bulshada loomuujiyo dabacsanaan iyo wanaag isla arkaana loobalan qaado shaqooyin iyo lacago, wuxuuna garabkan kudooday in shacabka horaan loogu dayay cadaadis kaas oo lagu fashilmay waxayna hadalkooda kusoo uruuriyeen rag walaalow wuxuu kudhaamo majiro.

Kala aragti duwanaanshaha labada garab ee EPRDF ayaa gaadhay heer lagu kala kaco waxayna qolo kasta qolada kale ku eedaysay in aysan doonaynin amaanka iyo daganaanshaha wadanka.

Iskusoo wada duub oo kooxda TPLF ayaa fashilkii kulankooda kadib kasoosaaray bayaan aan nuxudh lahayn, waxayna shacabku kuwareereen ujeedada bayaanka iyo waxa uu kahadlayo.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay