Wararka naga soo gaadhaya magaalada Addis Ababa ee xarunta gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya in taliska wayaanuhu uu amray in xabsiga lagusii hayo xoghayihii guud ee ururka Oromo Federalust Congress OFC Bakale Gerba.

Sida xogta aan kuhelayno Maxkamad kusheegta sare ee Itoobiya ayaa xukuntay in Bakale Gerba xabsiga laga siidaayo isla markaana laga qaado lacag damiin ah oo dhan 30 kun oo lacagta Itoobiya ah, waxayna maxkamadu xukuntay in uu bixi karo isla markaana uusan maxbuus ahayn.

Hase yeeshee xukuumada aan sharciga ixtiraamin ee wayaanaha ayaa soo saartay hadal qoraal ah oo ay kudiidantahay in lasiidaayo Bakale Gerba oo in mudo ah uxidhnaa isla markaana aan helin wax cadaalad iyo xaq soor ah toona.

Xukuumada wayaanaha ayaa kudoodaysa in uu Bakale Gerba yahay shakhsi halis ah oo hadii lasiidaayo siihurin kara dhibaatooyinka wadanka kajira waxayna xukuumadu afka kubalaadhisay in xukunka maxkamadu ay soo saartay uu yahay mid aan la aqbali karin isa markaana uu xidhnaan doono Bakale Gerba.

Bakale Gerba ayaa mudo dheer uxidhnaa fikirka uu aaminsan yahay kaliya kaas oo ah in dadka shacabka ah ee uu kasoo jeedo ay helaan cadaalad dhamaystiran, sidoo kale Bakale Gerba ayaa kamid ah dadka naqdiya siyaasada guracan ee kooxda dhagar qabe yaasha ah ee TPLF.

Kacdoonada ladamin waayay in mudada dheer kasocda guud ahaan Gobolka Oromia waxaa qayb wayn ka ah siyaasiyiinta Oromada ah ee xabsiyada lagu bahdilay, kuwaas oo ay kamid yihiin Bakale Gerba iyo Dr Marare Gudina.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay