War deg deg ah oo goordhow nasoo gaadhay ayaa sheegaya in qarax wayn oo lagu soo rakibay gaadhi uu ka dhacay inta u dhaxeysa Isgoyska Banaadir iyo Isbitaalka digfeer ee magaalada Muqdisho.

Sida uu warkan oo hordhac ah tibaaxayo 11 qof ayaa la soo sheegayaa inay halkaas ku dhaawacmeen. Wax dhimasho ah wali lama soo sheegin. Qaraxna oo intiisa badan laga maqlay goobo ka fog halkii uu qaraxaas ka dhacay, ayaa waxaa loogu xidhay gaadhi uu lahaa mid kamid ah Shaqaalaha dowlada oo magaciisa lagu soo koobay Caydiid.

Dhinaca kale warkan ayaa intaas raacinaya in Gaadhigan uu qarxay xili uu Caydiid waa mulkiilaha gaadhigee uu ku jiray goob ganacsi oo aan sidaas uga sii fogayn goobta uu gaadhigu ku qarxay.

Warkan iyo wixii kasoo kordhay waxaad ka heli doontaan ONA haduu ilaahay yiraahdo.

 

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay