Wararka naga soo gaadhaya magaalada Addis Ababa ee xarunta Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya kala shaki soo kala dhex galay siyaasyiinta caalamka ee wadanka Itoobiya kusugan iyo xukuumada aan xishoodka aqoonin ee wayaanaha.

Sida xogta aan kuhelayno kala shakiga ayaa yimid kadib markii xukuumada wayaanuhu ay dil udiyaarisay qaar kamid ah safiirada kusugan magaalada Addis Ababa, kuwaas oo sida lasheegayo kabadbaaday dhagartii lala damacsanaa.

Warka ayaa intaas kudaraya in taliska wayaanuhu uu casuumad ufidiyay 4 safiir oo kamid ah siyaasiyiinta shisheeye ee wadanka jooga wuxuuna talisku qorsheeyay askartii dili lahayd kadib markay yimaadaan goobta lagu casuumay oo kamid ahayd dhulka ay kacdoomadu kajiraan.

Safiirada mishinka loodiyaariyay oo kala ahaa safiirada wadamada Maraykanka, Japan, Canada iyo Mexcico ayaa kabadbaaday dhagartii loomaleegay kadib markay baxsadeen 2 kamid ah ragii loo qorsheeyay in ay dilaan.

Labada askari ee baxsaday ayaa sheegay in mudo dheer sigaar ah loo tababarayay si ay dilal ugu fuliyaan siyaasiyiinta shisheeye ee wadanka kusugan, waxayna xubnahan baxsaday saxaafada usheegeen in ay iyaga ucuntami wayday shaqadii loo diray oo ahayd mid aan wanaagsanayn.

Kooxda TPLF ayaa qorshahan uga dan leh si ay ugu andacoodaan waxaan la dagaalamaynaa argagixiso siyaasiyiinta shisheeye beegsanaysa kadibna ay taageero uga helaan dowladaha ree galbeedka iyo caalamka oo dhan.

Hase yeeshee arintan ayaa fashil kudhamaatay kadib markii qaar kamid ah ragii dhagarta loo carbiyay ay caalamka usheegeen faldambiyeed yada uu taliska wayaanuhu maleegayo.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay