Waxaa maanta kulankoodii caadiga ahaa isugu yimaaday ururka haweenka Ogaadeniya (UHO) faraca Barsan ee Magaalada Gaarisa ee waqooyi bari Kenya shirka waxaa lagu fur furay wacdi diini ah oo ay soo jeedisay Halganto Fatuma Sheikh Muhumed intaas kadib shirka waxaa daadihin hayay Gudoomiye ku xigeenka Ururka haweenka Ogaadeniya (UHO) Fartun Abdikariim Sheekh muuse waxayna jeedisay qudbad ku saab san heerarkii halganku soo maray iyo marxaladihii kala duwanaa ee shacabka Ogaadeniya soo maray.

Shirka ayaa waxaa la isku waydaar saday fikiro iyo hadalo dhaxal gal oo ku saabsan wax qabadkii ururka haweenka Ogaadeniya iyo wax yaalaha loo baahan yahay in lasii dar dar galiyo.

Shirka ayaa sidoo kale waxaa ka hadlay qaar kamida hooyooyinka Ogaadeniya oo kasoo qayb galay shirka waxayna dhamaan tood ku dar daar meen in halganka lasii laban laabo.

Shirka ayaa wuxuu gaba gabadii kusoo dhamaaday si guul ah waxaana lagu balamay dadaal iyo hawul karnimo.

ONA/Gaarisa.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.