Wararka naga soo gaadhaya magaalada Addis Ababa ee xarunta gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya xiisad cusub oo udhaxaysa taliska wakhtigiisii dhamaaday ee wayaanaha iyo ururada shaqaalaha ee Itoobiya.

Sida xogta aan kuhelayno madaxda ururada shaqaalaha oo wadanka dibad joog ka ah ayaa soosaaray bayaan ay dhamaan ururada shaqaalaha Itoobiya ugu baaqayaan in ay siwada jir ah ula dagaalamaan kooxda dhiiga shacabka kunaaxday ee TPLF.

Hadalka qoraalka ah ee kasoo baxay madaxdii hore ee shaqaalaha Itoobiya ayaa lagu yidhi waxaa dhamaan ururada shaqaalaha laga rabaa in aysan qaadanin woxoogaa sandareero ah ayna u istaagaan sidii loo garab istaagi lahaa dadka shacabka ah ee kacdoonada kala horjeeda taliska wayaanaha.

Sidoo kale ragan oo dibad joog ka ah wadanka ayaa ururada shaqaalaha kacodsaday in gabi ahaanba joojiyaan shaqooyinka ay uhayaan xukuumada wayaanaha isla markaana ay si buuxda ugu biiraan kacdoonada lagu diidan yahay cadaalad darisa iyo xasuuqa shacabka lagu hayo.

Xukuumada gumaysiga Itoobiya ayaa dhankeeda badashay dhamaan shuruucdii shaqaalaha iyagoo sheegay in ay hor mar usamayn doonaan shaqaalaha taas oo larumaysan yahay in ay tahay mid kamid ah dhagartii looga bartay taliska wayaanaha.

Hase yeeshee ururada shaqaalaha ayaa dhankooda gaashaanka udaruuray dhamaan soojeedintii taliska wayaanaha waxayna ururada shaqaaluhu hadalka taliska wayaanaha ku tilmaameen wax lagu qoslo.

Iska hor imaadka cusub ee ururrada shaqaalaha iyo taliska wayaanaha ayaa lasaadaalinayaa in uu baasiin kusii shubi doono xaaladii murugsanayd ee wadanka gumaysiga Itoobiya.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay