Diyaaradaha Maraykanka ayaa laba jeer duqeeyay saldhig maleeshiyada taageersan Daacish ay ku leeyihiin deegaanka Buqa ee buuraleyda Gobolka Bari ee Puntland.

Sarkaal ka tirsan wasaaradda difaaca Maraykanka ayaa saxaafada u xaqiijiyay duqeynta, wuxuuna sheegay in hal qof uu wax ku noqday. Wararka ayaa sheegaya in la bartilmaameesaday hoggaamiyaha Daacishta Soomaaliya Cabdulqaadir Muumim.

Deegaanka duqeyntu ay ka dhacday ayaa qiyaasii 60 km u jira degmada Qandala oo ay hadda ka hor kooxdaasi qabsatay. Mas’uuliyiinta Gobolka iyo dadka deegaanka ayaa sheegay in la maqlay qaraxyada ilaa iyo lix gantaal, iyo guuxa dayuuradaha.

Saraakiisha Maraykanka ayaa sheegay inay baaritaan ku sameynayaan khasaraha ka dhashay duqeynta ay la beegsadeen maleeshiyada taageersan kooxda Daacish ee Soomaaliya.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay