Maanta oo ay Taarikhdu ku beeg nayd 03/11/2017 waxaa magaalada Nürnberg ee dalka Germalka ka dhacay mudaaharaad balaadhan oo ay so qaban qaabiyeen Jaaliyada Soomaalida Ogadeniya ee Wadanka Germalka Faraca magalada Nürnberg.

Mudaaharaadkan Ayaa waxaa lagaga soo horjeeday dhibaatada gumaysiga Itoobiya ku hayo shacabka Ogadeniya Xasuuqa, xidhayga, Dilka iyo barakicinta uu ku hayo dadka shacabka ah ee Ogadeniya, waxaa sidoo kale lagaga soo horjeeday caawi maada uu siiyo wadanka Germalku Gumaysiga Itoobiya, mudaaharaadkan sidoo kale waxaa lagu dalban hayay arimaha qaxootiga Ogaadeniya iyo in dawlada Jarmalku ay dibu dajin u samayso shacabka kasoo qaxay dhibaatada gumaysiga Itoobiya waxaa kale oo lagu so ban dhigay document la xidhiidha dhiibistii Qalbi_dhagax ee sida arxan darada ah loogu gacan galiyey Cadowga Itoobiya.

Waxaa la hadlay banaan baxayaashi xubno ka tirsana Parlament ka Gobalka Bayern iyo Sadex xubnood oo dawlada sare kasocda ayagoo cabashadoodii iyo waxay tabanayeen si qoraal ah ugu gudbiyey Xubnihi dawlada kasocday, waxayna balan qaaden in si dag dag ah wax looga qaban doono cabashooyin kooda.

Banaan baxa ayaa ugu danbayntii wuxuu kusoo dhamaaday si guul ah.

ONA/Nürnberg Germany.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.