Hawl wadeenada Ururka Midowga dhalinyarada & ardayda S/ogadenia  Sweden faraciisa magaalada Flen oo shir isugu yimid taariikhdu markay ku beegnayd 18-kii bishan oo ahayd maalin dhamaan daafaha dunida laga xusayay maalinta xasuuqa Ogadenia. Waxay ayaguna xuseen maalintaas Xuska Xasuuqa Ogadeniya. Waxakale oo ay kulankaas kaga arinsadeen siday uga qayb gali lahaayeen munaasabada Silent Cry ee ka dhici doonta caasimada dalka Sweden Stockholm 25-ka bishan Febraayo 2012.

OYSU Flen ayaa ku tilmaamay kulankaasi inuu ahaa mid ay kaga arinsanayeen qaabka abaabul ee ay kaga soo qayb gali lahaayeen munaasabada Silent Cry, kadibna ay isku wacyi galiyeen isna xasuusiyeen inay maalintani tahay maalin daafaha dunida ay ka xusayaan ururka OYSU ayagana aysan moogayn xasuuqa ba’an ee ka jira dhulkii hooyo Ogadenia. Xog Hayaha OYSU Flen Marwa Fadumo Abdirahman ayaa ku dhiira galisay kasoo qayb galayaashii shirka dadaalka ay hadiyo jeer ugu jiraan danaha umada shacabka dulman inaysan marna ka gaabinin oo ay laba jibaaraan.
Sikastaba ha ahaatee kulankii ayaa kusoo gabagaboobay jawi farxadeed & is afgarad wanaagsan.

Ilwad Ali
ONA/Sweden.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay