Warqado badan oo sir ah ayaa la dusiyay, waxayna shaaca ka qaadayaan sida dadka awoodda leh iyo hantiileyaasha ay si sir ah ugu maalgashadaan mashaariic qarsoodi ah si aysan canshuur u bixinin.

Dadka ku xusan warqadahan waxaa ka mid ah boqoradda Ingiriiska, iyo mid ka mid ah xoghayayaasha maamulka Donald Trump. Dukumiintiyada sirta ah oo loogu magacdaray “warqadaha jannada” waxay ka kooban yihiin 13.4 milyan. BBC Panorama ayaa qeyb ka ahayd 100 warbaahin oo baadhitaan ku sameeyay warqadaha sirta ah ee la dusiyay.

Qiyaastii $13 milyan oo dollar oo ka mid ah dakhliga boqoradda ayaa maalgashi qarsoodi ah oo dibadda ah lagu sameeyay, sida ay muujinayaan warqadahan la helay. Shirkadda “The Duchy of Lancaster” oo boqoradda ay dhaqaale ka hesho ayaa lacag maalgashi ah ku bixisay jasiiradaha Ceyman iyo Bermuda. Lacagtaas qeyb yar oo ka mid ah waxay gacanta u gashay shirkad lagu magacaabo Bright House, oo horay loogu eedeeyay in kireyta guryaha ay u sameeyaan si aan habooneyn.

Sidoo kale, waxaa maalgashiga qeyb ka helay shirkad kale oo lagu magacaabo Threshers, taas oo la sheegay in ay la dhuumatay canshuur gaareysa £17.5 milyan oo gini. Shirkadda Duchy ayaa sheegtay in Bright House ay hadda leedahay £3,208 gini, aysanna qeyb ka ahayn go’aan maalgashi. Waxay intaa ku dartay in aysan war ka hayn meelaha la maalgeliyay.

Nin madax ka ah maalgashi gaaraya £500 milyan oo gini, Chris Adcock, ayaa BBC-da u sheegay: ” Istaraatiijiyadeena maalgashi waxay ku saleysan tahay talada iyo soo jeedinta la taliyayaasheena, si sax ah ayaana hantida loogu maalgeliyaa.” “Shirkadda Duchy waxa keliya oo ay maalgelisaa shirkadaha sare ee gaarka loo leeyahay ka dib soo jeedinta lataliyayaasheena dhanka maalgashiga.”

Afhayeenkan u hadlay shirkadda Duchy of Lancaster ayaa intaa ku daray: “Tiro maalgashiyo ayaan sameynay, qaar ka mid ahna caalamka ayey ku kala yaallaan. Dhammaan maalgashiyadeena si buuxda ayaa loo baaraa waana kuwo sharci ah.” “Boqoradda si iskeed ah ayey canshuur uga bixisaa dakhli kastoo ka soo gaara Duchy,” ayuu yidhi Chris Adcock.

Shirkadda Duchy oo sameysa dhaqaalaha ay hesho boqoradda UK, ayaa sheegtay in aysan warba u hayn in faa’ido canshuur ay ka helayso maalgashiga dibadda, waxayna intaa raacisay in istiraatiijiyadda canshuurta aysan qeyb ka ahayn shuruucda maalgashiga.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.