Nin ayaa rasaas ku furay dad ku sugnaa kaniisad ku taalla meel ku dhow magaalada San Antonio ee gobolka Texas axaddii, halkaasi oo uu ku dilay 26 qof, islamarkaana 20 kale uu ku dhaawacay.

Dhibaneyaasha weerarkan ayaa waxa ay da’doodu u dhaxeysaa shan illaa 72 jir. Ninka weerarka gaystay ayaa sidoo kale la dilay, hase yeeshee illaa iyo hadda ma cadda sababta uu weerarkan u fuliyey.

Baadheyaahsa hay’adda FBI-da, oo ay weheliyaan wakiilo ka socda Xafiiska Alkolada iyo Tubaakada iyo booliiska gudaha ayaa ku sugan magaalada Sutherland Springs oo weerarka uu ka dhacay, islamarkaana ku dhow magaalada San Antonio.

Madaxweyne Trump ayaa toogashadan ku qeexay “ficil xun” waxaana uu ku baaqay in loo duceeyo dhibanayaasha. Wuxuu sidoo kale amray in calanka Mareykanka hoos loo dhigo dhammaan dhismayaash dowladda.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.