Wararkanaga soo gaadhaya magaalada Maqale ee xarunta Gobolka Tigrey ayaa sheegaya in uu magaalada kafurmay shirkii 2aad ee kooxda TPLF uqabsooma mudo labo todobaad gudahood ah.

Shirkan oo lagu tilmaamay kii ugu xaasaasi sanaa ee abid dhex mara kooxda uu wakhtigeedu dhamaaday ee TPLF ayaa lasheegayaa in uu daba socdo kulankii lagu kala kacay ee todobaad kahor kooxda uga socday magaalada Maqale.

Sida aan xogta kuhelayno qaar kamid ah saraakiisha sar sare ee wayaanaha ayaa kutaliyay in laqabto shir dib uheshiisiin ah oo kooxda dhexdeeda lagu xalinayo maadaama oo uu burburay kulankii todobaadkii tagay kadhacay magaalada Maqale, kaas oo ladoonayay in lagu xaliyo xaalada murugsan ee wadanka.

Kulankii burburay ee todobaadkii tagay ayaa lasheegay in la isku khilaafay habkii loowajihi lahaa aqabadaha gaamuray ee soowajahay taliska wayaanaha iyo burburka xowliga kusocda ee wadanka kusoo foodyeeshay, waxaana lasheegayaa in ay kooxdu ukala jabtay labo qaybood oo waawayn oo aad isaga soo horjeeda.

Qayb kamid ah kooxda ayaa lasheegayaa in ay soojeediyeen in labadalo dhaqanka qalafsan ee taliska wayaanaha isla markaana dadka irdhoobay lasoo dhaweeyo, halka qaybta kalana ay ku adkaysanayaan in dadka gacan bir ah lagu qabto si xukunka kooxda loo xaqiijiyo.

Iskusoo wada duub oo kulanka shalay kooxda TPLF uga furmay magaalada Maqale ayaa lasaadaalinayaa in uusan waxba kasoo bixi doonin waxayna dadka kooxda ka agdhaw sheegayaan in durba kulanka lagu kala jabay.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.