Wararka naga soo gaadhaya magaalada Herar ee xarunta dadka Herarida ayaa sheegaya in Janaraalka xukumada ciidanka wayaanaha ee aagaas oo soosaaray hadal aad uga cadhaysiiyay qoomiyada Oromada ee Gobolka wax kadagta.

Sida xogta aan kuhelayno Genaral Ma’asha oo ah taliyaha waxa loogu yeesho qaybta Herargee oo xukuma ciidamada wayaanaha ee Ogadenia iyo dhulk Herarida ayaa sheegay in uu taageersan yahay qoomiyada Herarida ee kudhaqan magaalada Herar kuwaas oo siwayn ay isu hayaan qoomiyada Oromada.

Genaral Ma’asha ayaa sheegay in qoomiyada Oromadu ay wado xoog iyo dhul balaadhsi ay kuhayso qoomiyada Herarida wuxuuna Genaral Ma’ashe sheegay in uu gacan bir ah kuqaban doono ururka OPDO ee Oromada dhanka siyaasada kumatala iyo guud ahaan qoomiyada Oromada oo saamayn kuleh deegaanka Herarida.

Sidoo kale Genaral Ma’asha oo hadalkiisa siiwatay ayaa sheegay in uu sooqaban doono hub fara badan oo isa uusheegay kujira gacanta qoomiyada Oromada kaas oo sida uusheegay loo adeegsado cadaadiska dadka Herarida ah ee kudhaqan magaalada Herar.

Hadalka Genaral Ma’asha taliyaha qaybta Herargee ayaa imaanaya xili ay xiisad xuni kataagan tahay qoomiyadaha Herarida iyo Oromada kuwaas oo isku hayo arimo laxidhiidha siyaasada iyo awood qaybsiga dhinaca maamulka deegaanka.

Hadalka Genaral Ma’asha ayaa kamid ah talaabooyinka uu taliska wayaanuhu khilaafka kaga dhex abuurayo qoomiyadaha kala duwan ee uu gumaysto, wuxuuna talisku u arkaa mid faa’iido u ah isku dirka qoomiyadaha.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.