Ciidamada Woyanaaha ayaa xasuuqii Gunagado iyaga oo kasii anbo qaadaya waxay gubbeen deegamada Madheedh iyo Abshir oo ah tuuloyin u jira Gunagadho wax ka yar 10 km. Waxaana warar hore oo soogadhaya ONA ay xaqiijinayaan in 10 qof lagu dilay Tuulada Abshir iyada oo laba qof oo kalena lagu dilay Magaalada Gunagado. Magacyada naso gaadhay ee kamidka ah muwaadiniinta sida Xaqdarada ah loo xasuuqay waxaa kamid ah.

  1. Caaqil Abdikaafi Xasan Nuur, Odaygii Tuulada Abshir,oo 60 jir ah.
  2.  Ina Cadikaafi Xasan Nuur iyo Xaaskiisii.
  3. Ina Wacdi Siraad.
  4. Ina Cabdi Qodax.
Waxii Xoola ahaa ee Tuuladaas lahaayeena way kasoo kaxeysteen waxayna kusoo xareysteen ciidmada Woyanuhu Magaalada gunagado.
Magaalada gunagado ayaa Horaanti iyo 12 Febraayo 2012 waxa ciidamada gumeysigu ay ku gumaadeen shacabka magalada Gunagado waxaana dadkii kusugnaa deegaamadaas ay noqdeen wax la dilay, in la xidhay iyo in ka qaxday magalaadaas.
Madaxda Jabhada ONLF oo aan wax ka weydiinay ujeedada ay ciidamada Woyanaha ahi ay gumaadkan u geysanayaan ayaa waxa ay noo sheegeen in xasuuqan yahay isir la dagalaan. Kadib markii ciidamada Woyanuhu ku guul dareysteen isku day ay rabeen inay buslahda iskaga horkeenaan qabiil qabiil oo beel ahaan la isu diriro ayaa waxa gacantooda ay ku fulinayaan gumaadka noocan ah.
Jabhada ayaa hadda ka hor kasoo saartay Bayaano ay kaga xogwaramayso Xasuuqa gunagado. Madaxda Jabhada ayaa ku mashquulsan xasuuqan iyo qaabkii ay uga hortagi lahaayeen caalamkana ay u wargalin lahaayeen.
Wararka la xidhiidha Xasuuqa Gunagado iyo Deegamada ka ag dhow oo faah faahsan dib ayaan idiinka soo gudbin doona.
ONA.
 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay