Xadhiga loo gaystay qaar badan oo kamid ah xubnaha boqortooyada hogaanka u haysa boqortooyada Sacuudiga, wasiirrada iyo ganacsatada waa hawlgal billaw ah oo meesha lagaga saarayo musuqmaasuqa, sida uu sheegay xeer ilaaliyaha guud ee dalkaasi.

Qoraal uu soo saaray Sheekh Sacuud Al Mojeb ayuu ku sheegay in xidhitaanku “uu billaw u yahay hawlgal muhiim ah oo xididdada loogu siibayo meel kaste oo musuqmaasuq ka jiro”. Wararka ku saabsan hawlgalka ka dhanka ah ganacsatada iyo hogaamiyeyaasha siyaasadda ayaa soo baxay Axaddii lasoo dhaafay. Waxayna arrintaasi awoodda u sii kordhinaysaa Maxamed Bin Salman oo ah dhaxal sugaha Sacuudiga.

Guddiga musuqmaasuqa la dagaalamaya oo uu hogaaminayo dhaxal sugahan 32 jirka ah ayaa amray in xabsiyada loo taxaabo 11 ruux oo qoyska boqoortooyada ka tirsan, afar wasiir, iyo tiro kale oo dad horay wasiirro u soo noqday ah. Al Waleed bin Talal oo ah ganacsade caalamka laga yaqaanno oo hodan ah ayaa la sheegay in uu ka mid yahay dadka jeelka loo taxaabay.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa taageeray tallaabada ay qaadday xukuumadda Sacuudiga. Sheekh Sacuud Al Mojeb oo waxa qabsoomay ilaa iyo hadda war ka soo saaray ayaa sheegay in “wajigii 1aad” ee baadhitaanku uu soo idlaaday.

Xogtan u dambaysay ee musuqmaasuqa ayaa imaanaysa iyadoo ay sii socdaan baadhitaannada ay dawladdu ku haysto waxa dhaliyay burburkii ku yimid diiyaaraddii maraysay agagaarka xadka Yemen.

Amiir Mansour bin Muqrin oo ah ku xigeenka badhasaabka gobolka Al-Casiir ayaa ka soo laabanayay hawlgal indho-indhayn ah markii ay diyaaraddiisu ku dhacday agagaarka Abha xilli dambe oo Axaddii ah. Ma cadda waxa dhaliyay burburka diyaaradda.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.