Wararka naga soo gaadhaya gudaha Ogadeniya ayaa sheegaya in dagaal uu Tigraygu soo abaabulay uu ka socda magaalada Balbalayti oo dhacda xuduuda Ogadeniya iyo Oromiya u dhaxaysa dagaalkan ayaa wuxuu u dhaxeeyaa xoolo dhaqato Soomaali ah iyo koox kamida Maleeshiyada OPDO ee wakiilka uga ah TPLF dhulka Oromada.

Dagaalkan ayaa waxaa lagu laayay dad shacab ah oo aan waxba galabsan dagaalkan ayaa waxaa sida naloo xajiiyay waxaa ku dhintay 12 qof oo shacab ah.

Dagaalka Waxaa soo qaaday Maleeshiyaad Oromo oo uu tigraygu dabada ka riixayo bilihii ugu danbeeyay waxaa ka socda gudaha Ogaadeniya gaar ahaana goobaha xuduudaha ah dagaalo noocan ah oo ay kooxda TPLF rabto inay xukunka kusii dheeraysato ayadoo iska hor gaynaysa oo isku diraysa dadka shacabka ee Soomaalida iyo Oromada si ay uga kala yaraadaan kacdoonada ay kula soo horjeedaan xukuumada Woyaanaha.

Ilaahay waxaan uga baryaynaa inuu u naxariisto dadkan shacabka ah ee la laayay waxaana qoomiyadaha walaalaha ah ugu baaqaynaa in ay ka digtoonaadaan dhagarta uu gumaysigu umaleegayo.

Wixii war ah ee dagaaladan kasoo kordha kala soco ONA.

ONA/Ogadeniya.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.