Wararka naga soo gaadhaya wadanka sii burburaya ee Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya in ay aad ukorodhay kala qaybsanaanta ciidamada wayaanaha iyo guud ahaan hay’adaha kala duwan ee xukuumada wayaanaha.

Sida xogta aan kuhelayno taliyaha ciidamada wayaanaha Genaral Samore Yonis ayaa silama filaan ah usheegay in ciidankoodu ay siwayn ukala qaybsan yihiin isaga oo xusay in shaqadii ciidan nimo iskaga tageen askar aad ubadan oo iyagu iskood isu ruqseeyay.

Genaral Samore Yonis oo shir kaga qayb galay magaalada Addis Ababa ayaa isagoo niyad jabsan saraakiisha ciidamada wayaanaha ku eedeeyay in ay qabsan waayeen shaqadoodii isla markaana ay iyagu qaadayaan ma’uuliyada ciidanka kala yaacay.

Genaral Samore ayaa sidoo kale sheegay in ciidankii udiiwaan gashanaa uu kala badh maqan yahay, wuxuuna sheegay in ciidanku ay waayeen saraakiil hawadisa isagoo xusay in saraakiisha lala xisaab tami doono.

Taliyaha ciidanka Wayaanaha Genaral Samore ayaa iska indha tiray xaqiiqada jirta isagoo qariyay kala qaybsanaanta iyo ciidamada raxan raxanta ugu biiraya kacdoon wadayaasha iyo jabhadaha hubaysan, wuxuuna sheegay in guud ahaan nidaamka xukuumadoodu uu saxan yahay.

Genaral Samore oo ahaan jiray qof dhoola cadeeya xiliyadii hore ayaa shalay umuuqday mid aad umurugsan isla markaana ay si ogaansho la’aan ah uga soo fakanayso xaqiiqada jirta.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.