Sidii horay loo qorsheeyay ayaa ahaa in hawgalka AMISOM ee Soomaaliya ee soo socdey 10-kii sano ee u danbeysey la soo afjaro 2018, ayaa hadana afhayeen u hadley ciidanka Ugandha sheegay in ay diyaariyeen 5 000 oo askari oo horleh oo ka qaybqaata hawlgalka cusub ee al-Shabaab looga saarayo dhulka ay ku sugan yihiin.

Richard Karemire oo ah afhayeenka gaashaandhiga Ugandha ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Xinhua in Ugandha diyaarisay 5000 oo askeri laakiin ay u baahan yihin tageerada beesha caalamka sida dhaqaalaha ciidankan.

Go’aankii u danbeeyey ee golaha amaanku ka gaaro AMISOM sanadkan ayaa ahaa in tiradooda la yareeyo lana gaadhsiiyo sanadkan 18 000 oo askeri, si loogu diyaariyo dhamaystirka hawlgalka AMISOM ee sanadka 2018.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.