Ciidanka Mareykanka ayaa sheegay in tiro ka mid ah maleeshiyada ururka al-Shabaab ee Soomaaliya ay ku dileen duqayn ay khamiistii lasoo dhaafay ka fuliyeen meel ka mid ah gobolka Baay.

Gabadh u hadashay wasaaradda gaashaandhigga Mareykanka ee (Pentagon) oo la yirahdo Aricia Harris ayaa u sheegtay saxaafada in duqayntaasi oo ay gaysatay diyaarad Drone ah ay ka dhacday meel qiyaastii 160 km galbeedka kaga beegan magaalada Muqdisho. Harris waxey intaasi ku dartay in cid rayid ah aysan wax ku noqon duqaynta.

Sida uu shaaciyay Taliska Ciidamada Mareykanka ee Africa ee (AFRICOM), duqayntan ayaa dhacday qiyaastii saddexdii galabnimo xilliga Soomaaliya, iyadoo ay isla abaabuleen Mareykanka iyo dowladda Soomaaliya.

Warkan ka soo baxay AFRICOM ayaa lagu yiri “Ciidamada Mareykanku waxey sii wadayaan inay adeegsadaan awood kasta oo ay heli karaan iyo talaabo kasta oo ku haboon – si ey u difaacaan danaha iyo ammaanka Mareykanka, islamarkaana ay u curyaamiyaan halista argagixisada.”

Duqayntan ayaa imanaysa wax ka yar toddobaad markii Mareykanku uu duqayn la beegsaday maleeshiyada Daacish ee ku suggan buuraleyda Gobolka Bari ee Puntland, gaar ahaan tuulada Buqo oo 60 km koonfur ka xiga Qanadala.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.