Wararka ka imanaya Gobolka Axmaarada ee woqooyiga Itoobiya ayaa sheegaya dagaal culus oo ciidanka gumaysiga Itoobiya iyo mid kamid ah jabhadaha Axmaarada kudhex maray dhulka beeralayda ah ee Axmaarada.

Sida xogta aan kuhelayno jabhada cusub ee lagu magacaabo Adhehan ayaa weerar kuqaaday fadhiisomo ay ciidanka wayaanuhu kulahaayeen dhulka beeralayda ah ee woqooyiga Axmaarada halkaas oo dagaal saacado socday uu kadhacay.

Afhayeen u hadlay xoogaga waxiska caabinta Axmaarada Adhehan ayaa sheegay in ciidamadoodu ay qaadeen weeraro laqorsheeyay oo lala beegsaday fadhiisimo ay ciidanka wayaanuhu kasamaysteen dhulka beeralayda ah ee woqooyiga Axmaarada.

Afhayeenka ayaa intaas kudaray in ciidamada gumaysiga ay gaadhsiiyeen khasaare lixaad leh oo aan wali lasoo faahfaahinin wuxuuna afhayeenku sheegay in ay gacanta kudhigeen qaar kamid ah ciidamada gumaysiga oo dhaawac ah isagoo siiraaciyay in ay lawareegeen hub iyo saanad ciidan oo badan.

Sidoo kale afhayeenka ayaa sheegay in dhankooda uu kadhintay hal askari wuxuuna afhayeenku dagaalkan kasheegtay guulo waawayn isagoo sheegay in ay qorshaynayaan dagaalo kale oo ay kuxoraynayaan dhulka dadka Axmaarada ah.

Jabhada Adhehan ayaa ah jabhad cusub oo ay kumidaysan beeralayda iyo dadka wax iska caabinta ee Axmaarada waxayna utaagantahay xoraynta dhulka qoomiyada Axmaarada, waxaana lafilayaa in ay wax wayn kabadali doonto arimaha Gobolka.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.