Wararka naga soo gaadhaya dalka Suuriya ayaa sheegaya in kooxda Daacish ay dib ula wareegtay gacan ku heynta qeybo badan oo kamid ah magaalada al-Bukamal oo ay dowlada Suuriya sheegatay in ay ka xoraysay kooxdaasi.

Al-Bukamal ayaa kamid ah gobalka Deir Al-Zor ee bariga dalkaasi, waxayna ahayd magaaladii ugu danbeysay oo kooxda Daacish gacanteeda ka baxda. Magaaladan ayaa saaran xuduuda ay wadaagaan dalalka Suuriya iyo Ciraaq.

Dagaalkan ka socda magaaladaasi maalmihii lasoo dhaafay ayaa ahaa mid ay ka qeyb qaadanayeen ciidamada dowlada Suuriya oo gacan ka helaya maleeshiyaadka Xisbullah ee Lebanon ka yimid, halka dhinaca xuduuda Ciraaq ay Daacish kala dagaalamayeen ciidamada Dowlada Ciraaq oo ay weheliyaan maleeshiyaad Shiico ah.

Ciidanka Bashar Al-Assad ee Suuriya ayaa khamiistii shir jaraa’iid ku shaaciyey in ay gabi ahaan magaaladaasi ka xoreeyeen kooxda Daacish. Balse maleeshiyaadka Daacish ayaa la sheegayaa in magaaladaasi kusoo qaadeen weeraro rogaal celis ah isla markaana la sheegayo in ay dib u qabsadeen 60% xaafadaha ay ka kooban tahay magaaladaasi.

Daacish ayaa Jimcihii shalay Internetka ku faafiyey filimaan laga soo duubay duleedka magaaladaasi al-Bukamal oo ah magaaladii ugu danbeysay oo ay Daacish ka talin jirtay.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay