Waxaa maanta kulan muhiima isugu yimaaday ururka dhalinyarada iyo ardayda somaalida Ogadeniya OYSU faraca magaalada Gaarisa kulankan ayaa waxaa kasoo qayb galay dhamaanba xubnaha ururka dhalinyarada, shirkan ayaa waxaa furay gudoomiyaha ururka dhalinyarada iyo ardayda Soomaalida Ogaadeniya (OYSU) Mudane Ali samiir waxaaa ugu horaynba lagu fur furay wacdi diini ah oo uu soo jeediyay sheekh Xadiis oo kamida culumada Ogadeniya sheekha ayaa wuxuu jeediyay wacdi diini ah oo ku saab sanaa  ala ka cabsiga.

Intaas kadib waxaa hadalkiisii sii watay gudoomiyaha ururka dhalinyarada asagoo ka jeediyay qudbad uu kaga hadlaayay doorka ururka dhalinyarada ee halganka Ogaadeniya intaas kadib waxaa lagusoo dhaweeyay asagana oo shirka ka hadlay Mudane Axmed Nuur oo asaguna Qudbad fiican ka jeediyay.

Waxaa kale oo ayaguna shirka kaso qayb gashay marti sharaf badan oo kamid ahaa jaaliyada Ogaadeniya faraca Gaarisa gudoomiyaha iyo marti kale oo ka socotay ururada haweenka (UHO) iyo culumaa u diinka.

Shirka ayaa waxaa sidoo kale looga hadlay sidii looga hortagi lahaa propagandhada iyo beenta cadawga sidoo kale abaabul iyo wacyi galin loogu samayn lahaa shacabka Ogaadeniya iyo taageerayaasha halganka Ogaadeniya.

Shirka ayaa gabagabadii waxaa qudbad ka jeedisay Nafteedhurto Gaari oo kasoo gabagabaysay hadalo qiimo badan oo ay kula hadlaysan dhalinyarada ayadoo ugu baaqday in maanta halganku uu joogo xiligii dhalinyarada loona baahan yahay inay booska banaan oo dhan ay buuxiyaan dhalinyaradu.

Shirka ayaa ugu danbayntii wuxuu kusoo dhamaaday si guul ah.

ONA/Gaarisa

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.